Madaxweynaha deegaanka soomalida
Madaxweynaha deegaanka soomaalida. Waa kuma Mustafe Cumar? Mustafe Muxumed Cumar wuxuu sannadkii 1972 ku dhashay magaalada Awaare ee aagga Jarar ee gobolka Soomaalida Itoobiya. Waxbarashadiisa dugsiga hoose wuxuu ku qaatay dugsiga Awaare, wuxuuna ku sii dhamaystirtay Dhagaxbuur oo reerkooda uu u guuray, halkaas oo sidoo kalena uu dugsiga sare ka galay. Waxbarashadiisa jaamacadda wuxuu ka qaatay Jaamacadda Addis Ababa, gaar ahaan Shahaadada koobaad ee kulliyadda Dhaqaalaha. Shahaadada Labaad ee jaamacadda (masters) ee isla dhaqaalaha wuxuu ka qaatay Imperial College of London ee dalka Britain. Wuxuu Agaasime ka soo noqday Machadka Tababarka Macallimiinta ee Jigjiga oo hadda loo yaqaanno Kulleejka Tababarka Macallimiinta ee Cabdulmajiid. Wuxuu sidoo kale soo noqday wasiir ku xigeenka waxbarashada ee gobolka Soomaalida. Wuxuu ka soo shaqeeyey hay'ado kala duwan oo ay ka mid yihiin Save the Children, WFP, OCHA, iyo qaar kale. Musharkiisa hayada Ee booska iskuduwaha binadimada wuxu aha...